WAX KA BARO BUUGA "THE MILLIONAIRE FASTLANE"
Buugan "THE MILLIONARE FASTLANE" waxa markii kowaad lasoo saarey 2011, waa mid ka mid ah buugta ganacsi abuurka loogu jecelyahay looguna iibka badan yahey. buugani wuxuu ka hadlayaa saddex hab oo dadku lacag ku helaan.laba hab wuxuu buugu u arkaa inaaney aheyn in la raaco, habna aadbuu ufaahfaahinayaa isagoo qofkastoo akhristaa ku dhiirigalinaya inuu habkan sameeyo.Buugani waa mid muhiim ah waxaana ku jira macluumaad badan oo qiimo leh laakiin waxaan kasoo dhex xuley intan hoose oo aan umaleynaayo iney tahay inta ugu muhiimsan ee uu buugu xambaarsanyahay:
Waxa jira 3 hab oo dhaqaale lagu
helo:-
- Habka gaabiska ah
- Habka dhinac socodka ah
- Habka degdega ah
Habka
Gaabiska Ah
Habka gaabiska ahi waa ha wajihin
carqalladba waana sidatan, " Iskuulka tag, Shaqo fiican hel, Dhig ilaa 10%
waxaad shaqaysato, iskadaa wixii qaaliya, lacagta dhigo baanka, dabadeed
65 markaad gaadho taajir oo naso oo shaqadda ka fadhiiso.
Habkani waxaad kharash garaysay,
xoogaagii, riyadaadii dhalinyarnimo iyo waqtigaagii oodhan si aad 65 markaad
gaadho aad utaajirto.
Habkani wuxuu ku sallaysan yahay
rajo taas oo ah
- Waxaan rajaynayaa in aan shaqo fiican helo markaan waxbarashadda dhameeyo.
- Waxaan rajaynayaa in aan isticmaalo lacagtayda
markaan 65 jir gaadho ee shaqadda ka fadhiisto.
- Waxaan rajaynayaa inaan taajiro markaan gaboobo.
Habka
dhinac socodka ah
Dhinac ka socduhu malaha hiigsi
dhaqaale, qorshihiisu waxa weeye in aanu qorshe samayn.Lacag kastoo soo
gasha wuxuu ku iibsadaa wax kastoo soo baxa sida gaadhi imminka soobaxay, guri qaaliya iyo wixii la mid ah.
Dadka isticmaala habkani waa dadka ku shaqeeya xirfadaha lacagta badan lagu qaato sida ciyaartoynimo, fanaaniin iwm. Dadka isticmaala habka dhinac socodka inta badan
waxay helaan lacag badan laakiin waxay ku danbeeyaan fakhri.
Habka degdega ah
Habkani waa habkuu buugu amaanayo ee uu ku dhiirinayo akhristaha inuu raaco. waana habka si deg deg ah loogu taajiro.Markastood bulshadda kusoo kordhiso
wax qimo badan oo xaliya dhib haysatay dadka waa markastood lacag badan
hesho. tusaale ahaan wiilka facebook sameeyey 13 sano gudahood ayuu ku noqdey ninka 5aad ee dunida ugu taajirsan.
Buugu wuxu ku dhiiranayaa akhristaha in uu noqdo wax soosaare intuu
noqon lahaa wax quute. wuxuu kugu dhiirinayaa inaad hal abuura ganacsi noqoto, halkaad shaqaale ka noqon laheyd, wuxuu kugu dhiirinayaa inaad xaliso dhibabka waaweyn ee bulshadda heysata.
Tusaale ahaan:-
- Samee shay bulshaddu ay ka dareento farxad sida SnapChat
- Samee hab dadku wax ku bartaan oo cusub sida KhanAcademy
- Samee wax dadka quruxdooda siyaadiya ( Caafimaad ahaan,
Nafaqo ahaan ama dhar)
- Samee shay dadka nolosha ufududeeya sida Alibaba
Mahadsanid akhriste, haddii aad jeclaatey maqaalkan,la wadaag asxaabtaada si ay buugan wax uga bartaan.
Mahadsanid.
No comments