Header Ads

HAL ABUURKA GANACSI IYO TALADA ELON MUSK





Elon Musk waa injineer, hal'buur ganacsi iyo bilyandheer. Waa mid ka mid ah dadka ugu saameynta badan looguna hadal haynta badan yahay dunida. Waxa lagu tilmaamaa in uu yahay qof aad u himilo sarreeya oo adkaysi u leh yagleelidda shirkado aan ciddina ku riyoon in ay sameyso. Elon Musk sheekadiisu waa mid xiiso leh oo qof kasta dhiirrigelin iyo yididiilo uu ka helayo. Elon Musk waa hal'abuuraha ganacsi ee aan maalin walba dhageysto hadalkiisa, waana Hal'abuuraha sheekadiisu aadka ii dhiirrigeliso.
Elon Musk waxa uu sameeyey dhawr shirkadood oo ay ka mid yihiin: 1. Zip2 2. PayPal 3. SpaceX 4. Tesla 5.SolarCity 6. Hyperloop 7. OpenAI 8. Neuralink
9. The Boring Company Haddaba, maanta aan soo qaadanno afar qodob oo ka mid ah talooyinka uu Elon Musk kula dardaarmay dadka hal'abuurayaasha ganacsi ah ee doonaya in ay wax cusub soo kordhiyaan. Waa afar qodob oo ah tareenka loo raaco yoolka ganacsi ee aad leedahay. 1. Waligaa ha is is dhiibin
Ikhtiraacidda ganacsi cusub waa sida adiga oo quraarad calaalinaaya ama ruugaaya. Quraarad qof calaliyey maxaa uu filanayaa? Sidaa darteed marna ha is dhiibin. 2. Jeclaw waxa aad qabaneyso Marka aad ku hawlan tahay wax aad jeceshahay waad ku fikirtaa xataa marka aanad shaqada joogin. Shaqadaad jeceshahay waa hawl ay marwalba maskaxdaadu ku fikireyso qabashadeeda. 3. Ha dhagaysan dadka hankoodu hooseeyo Elon musk waxa uu yidhi: “ markii aan sameynayey shirkada dayax gacmeedka cirka loo diro sameysa ee SpaceX, mid aannu asxaab nahay ayaa igu yidh:- “Dayax Gacmeedka waa uu qarxaa marwalba, malaha waxan lacagta ayuun baad ku khasaarineysaa” Ma aan dhegaysan ee shirkaddii waa aan hirgeliyey." Sidaa darteed ha dhageysan dadka hanka yar leh.
4.Wajah Khatarta ganacsiga inta aad yar tahay Ganacsigu waxa uu leeyahay khatar dhaqaale iyo mid nafsiyadeedba, mar kasta oo aad ganacsi cusub bilaabeysana ma garaneysid guul iyo guuldarro waxa aad la kulmi doonto. Haddaba, inta aad yar tahay wajah khatartaas. Sababta oo ah marka aad weynaato ka soo kabashadeeda iyo ku dhaceedu ba waa uu kugu adkaanayaa.

No comments

Powered by Blogger.