Header Ads

KORDHI IIBKA GANACSIGAAGA



Iibinta adeeg badan ama alaab badan waa guusha meheradaada ama shirkadaada ganacsi. Waxa jira farqi u dhexeeya in ay dad badani magaca ganacsigaaga bartaan iyo in ay dad badani adeegaaga iibsadaan. Haddaba, sidee baad uga dhaadhicin kartaa qof kasta oo maqla ganacsigaaga in uu iibsado alaabtaada ama adeegaaga? 1. Marka aad xayeysiineyso ganacsigaaga ha u sheegin uun dadka adeegyada aad bixiso laakiin isku day in aad u sheegto macaamiisha in ay dalbadaan adeegga. U raaci xayeysiiska ficil ay tahay in ay iminka qaadaan sida soo wac taleefanka oo ka ogow qiimaha adeeg kasta. 2. U sheeg adeegaaga qaab aan u muuqan in aad alaabtaada oo keliya suuq u raadinayso laakiin ugu sheeg qaab aad dareensiineyso macaamiishaada in aad wax fiican la wadaageyso oo ay dani ugu jirto. Macmiilka ku qanci in ganacsigaagu uu xalinayo mushkilad haysata. Macmiilka in la dareensiiyo in dantiisa loo adergayo ayaa ah sixirka uhu weyn ee aad ku lasban karyo macaamiil badan. Sida ugu fudud ee macmiilka dantiisa looga dhex tusi karo adeegaaga ama alaabta aad iibinayso aynnu tusaale u soo qaadanno:- "Ma tahay hooyo ku daashey shidida iyo bakhtiinta dhuxusha marwalba? Ma jeceshahay in hawsha dharigu kuu fududaato oo aad degdeg u bisleyso cuntadaada adiga oo aan rafaadin oo dab shidin? Ma ka werwertaa aasidda dabka? Ma karahsataa madawga badan ee dhuxushu ku sameyso gacmahaaga? Waqti badan adoo degdegsan ma sugtaa bixista dhuxusha? Waan ku fahmi karaa in ay waxan oo hawl ahi ku heysato. Waan kula dareemaynaa dhibka intaa leeg, sidaa darteed maanta waxan kuu wadnaa xalkii dhammaan mushkaladahaa dheriga kaa heysta? Xalku ma foga oo waa SOMGAS, SOMGAS. Laba tallaabo qaad oo ka iibso Somgas meherada jaarkaaga."
Qofka marka aad sidaa ugu sheegto waxa aad dareensiisey in aad dhibkiisa dareemayso oo aad la wadaagtey xal anfacaya, qofkii macmiilka ahaana waxa uu arkayaa in ay isaga dani ugu jirto iibsiga alaabtaada

No comments

Powered by Blogger.