Header Ads

Sirta Guusha Salman Khan

Salman Khan waa hal'abuure ganacsi, macallin iyo aasaasaha ururka Online-ka dadka wax ku bara ee Khan Academy. Khan Academy waa website iyo youtube chanell la soo dhigo casharro aad u tayo sarreeya oo si bilaash ah wax looga barto. Casharrada lagu bixiyo machadka Khan Academywaxa ay iskugu jiraan Xisaab [Math], Koobiyuutar[ Computer programming] iyo beeraha [agriculture]. Salman Khan waxa uu bedelay qaabkii wax loo baran jirey isaga oo sameeyey shabakad ay dadku kaga maarmi karaan jaamacadihii lacagta badani kaga baxaysey.
Salman Khan waxa uu go’aansadey in uu noqdo macallin wax bara malaayiin qof, halka uu ka noqon lahaa macallin hal fasal wax u dhiga. Billgate oo ah bilyandheerka dunida ayaa ku ammaanay Salman Khan hawsha uu qabtay.
Haddaba, Salman marar uu ka hadlayey qodobbada ka dhigey qof sidaas oo dhan u yeesha saameyn weyn oo uu dhaqaale iyo sharafba ka helo waxa uu sheegay in qodobbadani u sahleeni:
1. Riyo weyn yeelo
2 .Dadka dhibkooda xali oo ganacsi ka samee
3. Waligaa haka nasan inaad sii wado hawshaada.
4. Ka fikir aayahaaga danbe , oo marwalba samee wax mustaqbalka ku anfaca
5. Isbeddel samee, oo wax soo kordhi
6. Ha joojin wax akhriska iyo inaad wax isbarto [Self study] marwalba.
Fadlan Like, Share & Reveiw
Bahda 2DOON ku xidhnow si aad hal'abuurnimadaada ganacsi iyo ganacsigaaga ba u kobciso.

No comments

Powered by Blogger.