Ma jeceshahay inaad 2018 bilawdo ganacsigaaga gaarka ah, hadey jawaabtu tahay raac dhawrkan talaabo ka hor intaanad sameyn ganacsigaaga gaarka ah:-1.Garo nooca ganacsiga shakhsiyan kugu haboon.Waxa jira ganacsiyo kala duwan, sidaa darteed dooro nooca ganacsiga ku haboon shakhsiyadaada iyo waxaad xiiseyso-ba, Tusaale hadaad jeceshahay Computer-ka, dooro ganacsi la xidhiidha computer-ka.2.Garo TartamayaashaadaMarkaad dooneyso inaad ganacsi abuurto baadh noocyada ganacsiga jira ee iibiya ama bixiya adeegaad dooneyso inaad sameyso. Kadib ufiirso waxyaabaha iyaga ka dhiman ee aad adigu soo kordhin laheyd.3.Ka fikir sidii aad dakhli ugu heli lahayd ganacsigaaga4.Raadi talooyin iyo warbixino ku saabsan sida gaancsiga loo kobciyo, loogana dhigo mid in badan jira.5.Tijaabi fikradaada ganacsi. Ubandhig adeegaaga iyo alaabtaada dad kale si aad u ogaato iney fikradaadu shaqeyneyso iyo inkale. Mahadsanid. Akhris wanaagsan.
No comments